News »» BBCSomali.com | Wararka | Somali News index
Waxaa dhibaato bini'aadanimo ay heysataa kumanaan qoys oo ka barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay gobolka Mudug, dadkaasi oo aan heysan hoy, cunto iyo daawo.
Waxaa kordhay tirada dadkii ku dhintay ama dhaawacu ka soo gaaray duqeyn iyo dagaallo ka jiray magaalada Muqdisho dhowrkii maalmood ee aynu ka soo gudubnay
Tobanaan kun ayaa ku barakacay, dhawr boqolna waa ay ku dhinteen dagaallo ku dhexmaray degmada Mooyaale ee koonfurta Ethiopia laba beelood.
Madaxweynaha Puntland ayaa Gaalkacyo kula shiray oday-dhaqameedyo ka kala socday laba dhinac ee magaalada, si ay uga arrinsadaan amaanka gobolka Mudug oo xumaaday.
Qaramada Midoobay, dalalka Islaamka & Mareykanka aya si kulul u cambaareeyey is-qarxintii lagu dilay 11 askari oo u dhashay Burundi, kana tirsanaa ciidanka AMISOM.
Toddobo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, ugu yaraan 20-na way ku dhaawacmeen dagaal maalintii labaad ku dhexmaray Muqdisho dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Saraakiisha amniga ee qaybta ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulo ka tirsan Dhagax-buur ay ururka ONLF kaga dileen tiro saraakiil ah.
Kooxda Shabaab ayaa qabsaday magaalada Xudur ee xaruunta u ah gobolka Bakool, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda KMG ah.
Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Baaq la sheegay inuu soo saaray ninka labaad ee ugu sareeya ururka al-Qaeda, Ayman Al-Zawahiri, ayaa waxa uu cambaareeyay dowladda cusub ee Somalia
Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dhawr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay inuu doonayo inuu la kulmo kooxda mayalka adag ee Shabaab si nabad loo helo.
Madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti, Ismail Omar Geelle, ayaa hadal soo dhaweyn, dardaaran iyo taloba isugu jira u jeediyey mas'uuliyiinta dawlada cusub ee Somalia.
Maamulka Madaxwene Obama ayaa soo bandhigay siyaasad cusub oo uu Mareykanku kula dhaqmi doono Africa, taas oo ku saleysan ammaanka, iyo hannaanka dimoqraadiyadda.
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma'arke ayaa maanta lagu dhaariyay Djibouti, kadib markii xubnaha baarlamaanka Somalia ay ansixiyeen.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Suleemaan Maxamuud Adan ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliland inay iyagu dabada ka riixiyaan sidii xilka Looga qaadi lahaa.
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa sheegay in dalkiisu uu hiil iyo hoo-ba diyaar ula yahay dowladda uu hoggaamiyo m/weyne Shariif, uuna la shaqeyn doono.
Ururka Enough Project oo ah hey'ada u ololeysa xuquuqda aadanaha ayaa warbixin dher oo ay Somalia ka qortay ugu baqay Washington inay wax ka beddesho siyaasaddeeda
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar ayaa sheegay in guddigiisa iyo saddexda xisbi ay gaareen go'aano la xiriira doorashada.
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo Muqdisho tagay ayaa waxa uu kulamo la qaadanayaa odoyaasha dhaqanka, culimada iyo ururada bulshada rayidka.